Beesha Sheekhaal ee Australia oo ka horjeestay dowladda Kheyre

 Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulan ay iskugu yimaadeen Jaaliyadda beesha Sheekhaal ee dagan dalka Australia oo lagu lafuguray xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa lagu eedeeyeen dowladda uu madaxadda ka yahay Raysul wasaare Xassan Khayre.

Beesha ayaa dhaliilo ka so jeedisay qaabka loo qaybiyay jagooyinka dowladda iyo in aysan beesho qayb ka ahayn hanaanka siyaasadeed ee dalka. “ waxaa wax laga yaabo in Raysul wasaara dhan oo lagu tiranayay cadaalad iyo hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay in uu meesha ka saaray saamigii siyaadeed ee beesha sheekhaal” waxaa saas yire Raage Samatar afhayeenka beesha sheekhaaleed ee Austaraaliya.

Kulanka jaaliyadda ayaa waxaa soo qabanqaabiyay sharci yaqaano iyo dhalinyaro katirsan jaaliyadda beesha Sheekhaal ee dalka Austrialia.

Xubnaha jaaliyado waxay dhaliil ka soo jeediyeen qaabkii dalka la rabay in uu isbadal uga dhaco. “ Dulqaadkii ayaa naga dhamaaday, intaas kabadan cadaalad la’aan ma ahaan karno, waxaan u baahnahay in hanaanka dowliga ah nagala qayb galiyo.” Samtar xaashi ayaa saas yiri oo ka tirsan jaaliyadda beesha.

Waxaa isoo taraya cabashada beelaha soomaliyeed ay ka soo jeedinayaa qaabka dowladda xilalkeeda loo qaybiyay.