Agagaarka Villa Soomaaliya oo laga mamnuucay ini….

Muqdisho (Caasimada Online) – Amaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay waxaana waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho lagu daadiyay ciidamo badan oo horey aan loogu arki jirin.

Ciidamada ayaa baaritaano ka sameynaya hareeraha madaxtooyada Soomaaliya, waxaana waddooyinka hormara madaxtooyada loo diiday gaadiidka dadweynaha iyo gaadiidka waaweyn ee xaruulka qaada.

Ujeedada ugu weyn ee waddooyinka loogu diiday gaadiidka dadweynaha hareeraha madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay cabsi laga qabo in weeraro loo adeegsado.

Waxaa sidoo kale loo adkeynayaa amaanka magaalada Muqdisho urur goboleedka IGAD oo madaxdooda ay ku shirayaan afar maalin kadib magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo sanado kadib shirkaasi marti gelineyso.

Madaxda wadamada Djibouti, Ethiopia, Kenya, Somalia, South Sudan, Sudan iyo  Uganda ayaa ka qeyb galaya shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho maalinta Sabtida sida qorshaha uu yahay.

Shirkaasi ayaa waxaa madaxda ay kaga hadli doonaan horumarka siyaasada iyo amaanka ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale xasaradaha ka taagan dalka koofurta Sudan.

Caasimada Onlive
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com