Cali Geedi “Xildhibaani iyo madax guryo kala heysto ayaan aqaanaa”

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya ku sugan yahya.

Cali Geedi, ayaa ugu horeyn dhaliilay amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo qaabka loo maray baadi doonka xuquuqda ka maqan gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in baadi doonka xuquuqda gobolka Banaadir aysan aheyn iney hal beel raadisaa balse muhiim ay tahay in beelaha Soomaaliyeed ee daga magaalada Muqdisho ay wada baadi doonaan.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay guryaha lagu kala heysto magaalada oo muddooyinkii dambe ay muuqatay in muranadaasi yaraanayeen.

Wuxuu soo hadal qaaday iney jiraan madax iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday iney kala heystaan guryo uuna qaarkood garanayo.

Ugu dambeyn wuxuu rajo xumo ka muujiyay qaabka loo marayo soo xulida xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com