Xog: Caasimada Online oo heshay qorshaha iyo habraaca xildhibaanadu ay ku codeyn doonaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakada Caasimada Online ayaa heshay Qorshaha iyo habraaca Xildhibaanadu ay ku codeyn lahaayeen wakhtiga doorashada ee fooda nagu soo heysa.

Qorshahaani ayaa waxaa lagu wadaa inuu kala xakameyn doono wixii sharci ah iyo wixii aan sharciga loo marin.

HOOS KA AKHRISO QORSHAHA:-

MAA MAXAY ERGAY?

1-Waa codbixiyaha ka codeyn doona Hannaanka doorasho ee 2016-ka.

2-Ergadu waa tirada xubnaha xaqa u leh in ay cadeeyaan.

YAA MAGACAABAY ERGADA?

1-135 oday dhaqmeedyo ayaa kursi walba oo ka mid ah 275ta kuraas ee Golaha shacabka ee Baarlamaanka u magacaabi doona ergo.

YAA NOQON KARA ERGAY?

Ergay walba waxaa looga baahan yahay in uu buuxiyo shuruudaha soo socda:

1-Ma yahay muwaadin Soomaali ah

2-Waa in uu ka tirsan yahay beesha iska leh kursiga

3-Waa inuu jiraa ugu yaraan da’da 18 sano

4-Waa inuusan aheyn musharax u tartamaaya Aqalka Sare ama Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

5-Waa inuusan xubin ka aheyn GFHDD, GDGHDD

6-Waa inaan heer Maxkamadeed lagu xakumin dambi uu galay shantii sano ee lasoo dhaafay

7-Waa in uusan jago siyaasadeed uusan u heynin dowlada federaalka ah ee Somalia ama xubin ka aheyn maamul goboleedyada

8-Waa in uusan xiriir la laheyn ururada argagixiso ee dalka ka jira

WAA IMISA TIRADA ERGADA?

1-Kursi walba oo kamid ah 275ta kursi ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka waxaa u codeyn doona 51 ergo.

2-51ga ergo waa in ay ahaadan:

1-Ugu yaraan 16 ka mid ah ay noqdaan dumar

2-Ugu yaraan 10 ka mid ah ay noqdaan dhalinyaro, da’doodu u dhexeyso 18 ilaa 35 sano jir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com