Xog: Mareykanka oo joojiyay lacag Imaaraadka ku bixin lahaa dib u doorashada madaxweyne Xasan

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa joojisay dhaqaale dowladda Imaaraadka Carabta ay qorsheysay inay ku bixiso ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Madaxweynaha oo 23-kii August tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la kulmay dhaxal sugaha dalkaas Mohammed bin Zayed Al Nahyan, oo ay ballantu ahayd inuu dhaqaalihii doorashada madaxweynaha bixiyo.

Socdaalka madaxweynaha ayaa waxaa sida wararku ay sheegayaan kaalin ku lahaa oo wax ka agaasimay ra’iisul wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Ethiopia iyo Imaaraadka ayaa siyaasad mideysan iyo qorshe isku mid ah ka leh arrimaha Soomaaliya, hase yeeshee maadaama aysan Ethiopia dhaqaale bixin waxay dadaal xooggan u gashay sidii Imaaraadka lacag u siin lahaa madaxweynaha Soomaaliya, sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Si kastaba, dhaqaalihii Imaaraadka siin lahaa madaxweynaha ayaa waxaa xilli dambe si lama filaan ah usoo faro-geliyey dowladda Mareykanka oo Imaaraadka ka codsatay inay arrintan joojiyaan ama ugu yaran dib u dhigaan.

Sida ilo-wareedyada Caasimada Online ay leeyihiin, Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa aqbalay codsigii Mareykanka, wuxuuna madaxweynaha u sheegay inuu dib ugu laabto Muqdisho oo ay gadaal kala soo xiriiri doonaan.

Go’aanka Imaaraadka iyo tallaabada uu qaaday Mareykanka ayaa aad uga carreysiisay dowladda Ethiopia.

Illaa iyo hadda lama yaqaan, sababta Mareykanka uu u horistaagay dhaqaalihii Imaaraadka uu siin lahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaan sidoo kale caddeyn, haddii Imaaraadka lacagta dib ka bixin doono iyo in tani ay tahay go’aan kama dambeys ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com