Xog: Tirada lacagta “lagu xaday” shirka Jowhar oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Kooxdiisa ay musuq-maasuqeen dhaqaalihii loogu tallo galay in maamulka loogu dhiso Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Salaad oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in adduun lacageed dhan 2 Million oo dollar-ka Maraykanka lagu cunay dhismaha maamulkaasi waxa uuna cod dheer ku sheegay in lacagtaasi ay ku maqan tahay Xassan Sheekh iyo Kooxdiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali Jeele oo arrintaasi ka hadalaayay ayaa yiri ”Dhismaha maamulka cusub waxa uu ku dhow yahay muddo hal sanno ah intaas waxaa qandaraas ku qaadanaayay Madaxweynaha iyo Kooxdiisa”

Salaad Cali waxa uu sidoo kale, sheegay in dhaqaalaha loo qaadanaayay qaabab kala duwan waxa uuna carabka ku dhuftay in dhaqaalaha Wasaarada maaliyada looga soo qaadan jiray in Ergada maamulada kala mataleysa ay qarka u saaran yihiin inay kala tagaan taasina looga hortagi karo in lahelo lacag si loosii hakiyo joogitaankooda, sida uu hadalka u dhigay.

Salaad Cali waxa uu sheegay inaanu u muuqan wax dardar galin ah oo lagu sameynaayo shirka ka socda magaalada Jowhar waxa uuna ka digay in muddo intaa kasii badan la musuq-maasuqo dhaqaalaha loo qoondeeyay dhismaha maamulkaasi.

Haddalka Salaad Cali ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor uu fashilmay dadaalkii dib loogu furi lahaa shirka gogoshiisu taall magaalada Jowhar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com