Somaliland oo go’aan DFS kasoo baxay uga jawaabtay si kulul

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DFS ay si KMG ah u shaacisay inay joojisay dhammaan duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Somalia, ayaa waxaa hadalkaasi ka ka jawaabay maamulka Somaliland.

Go’aanka lagu hakiyay qaadka kadib ayey Somaliland sheegtay in go’aanka kasoo baxay DFS uusan waxba ka khuseyn, isla markaana deegaanada Somaliland ay kasoo caga dhigan doonaan diyaaradaha qaadka.

Farxaan Adam Haybe oo ah Wasiirka gaadiidka maamulka Somaliland, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha Jaadku isticmaali karaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland ku yaalla, sida uu hadalka u dhigay isagoo la hadlaayay Idaacada BBC-da laanteeda afka Somaliga.

Farxaan Adam Haybe, waxa uu sheegay in go’aan waliba oo kasoo baxa Dowlada Somalia uusan aheyn mid saameyn ku yeelan doona Somaliland, waxa uuna cadeeyay in Somaliland ay ka madax-banaan tahay Somalia inteeda kale.

Farxaan Adam Haybe, waxa uu Ganacsatada Somaliland faray inay sii wataan howlahooda qaadka waxa uuna u cadeeyay inaanu Somaliland aheyn Somalia.

Dhinaca kale, qaadka kasoo dega deegaanada Somaliland ayaa waxaa lasoo mariyaa dhulka waxa uuna ka imaadaa dhanka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com