Video: Waligaa ma is tiri Soomali ayaa arrintan isku khilaafeysaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka taagan khilaafkii ugu yaabka badnaa oo soo kala dhex galay culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Khilaafkaasi ayaa ah midku saleysan dhanka jihada ama qiblada dadka magaalada Gaalkacyo u dukadaan, kadib markii la sheegay in masaajidada qaar aysan u jiheysneen halka saxda ah.

Kulan magaalada Gaalkacyo ay ku yeesheen culumada kasoo jeeda koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in jihooyinka ay u jeedaan masaajidada qaar aysan sax aheyn.

Kulanka ayaa waxaa culumadii ka hadashay ay sheegeen in marnaba aysan sax aheyn jihada masaajida qaar loo jeediyay ee ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com