Puntland oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan go’aan ay gaartay DSF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga hadlay go’aan kasoo baxay dowlada Somalia kaasi oo lagu hakinaayo qaadka kasoo dega Garoomada dalka.

Puntland waxa ay sheegtay in go’aanka lagu mamnuucaayo qaadka uusan aheyn mid khuseeya Puntland, waxa ayna sheegtay in go’aankaasi uusan isbedel ku yeelan doonin maamulka.

Cabdulaahi Quraan jecel oo ah Afhayeenka maamulka Puntland, ayaa sheegay in mowqifka Puntland uu yahay in Ganacsatada qaadka ay sii wataan howshooda isla markaana aan la joojin qaadka.

Waxa uu sheegay in maamulka Puntland ay kasoo horjeedo go’aanka dowladda Somalia ay ku joojisay diyaaradii Qaadka ka keeni jiray gudaha dalka Kenya.

Go’aanka Puntland ayaa imaanaaya iyadoo maalinimadii shalay ay dowlada Somalia amar ku bixisay inaan dalka laga soo dajinkarin wax qaad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com