Maxay tahay mushkiladda iyo musiibada ka taagan Somalia?

Dr Maxamed Xaaji Ingiriis oo ku sugan Magaalada Abuja ayaa farriintan halkaas uga soo diray ummadda Soomaaliyeed:

Walaalayaal,

Saakay markii aan tukaday salaaddii subax, intaan dadku toosin waxaan ka baxay Hotel-ka aan ka degenahay Abuja, waddanka Nigeria. Waxaan lugeeyey 20 daqiiqo, kaddibna waxaan galay xaafad ay deggan yihiin dad Muslimiin ah. Meel jidka dhinaciisa ah ayay dhigteen kuraas, waxayna ku karsanayeen quraac. Waxay u badnaayeen odoyaal waayeello ah. Waan la fariistay. Waxay i weydiiyeen halkii aan ka imid. Markaan u sheegay inaan Soomaaliya ka imid ayay i weydiiyeen su’aal la weydiiyo qof kasta oo Soomaali ah oo la kulma dad ajnabi ah oo la socda arrimaha Soomaaliya: ‘Soomaaliya maxaa la isku dilayaa maalin walba?’. Waxay iigu sii dareen ‘miyaan dad maskax leh jirin oo joojin kara dhiigga daadanaya?’. Kama jawaabin su’aalahaas, illeyn uma hayo jawaabo waafi ah. Hadalkooda wuxuu i soo xusuusiyey heestii abwaannada Soomaaliyeed ay dhawaan allifeen ee lahayd ‘war fekera dadkeygoow / intaad dirirsaneydeen / Dibigii Spain iyo Dunidii Heshiisoo’.

Waxaan odoyaashii Nayjeeriyaankii kala sheekeystay dhaqamada Hausa, Igbo iyo Yoruba iyo sida ay u wada nool yihiin ummadaha iyo qowmiyadaha kala duwan ee dalka Nigeria ku wada nool. Sharraxaad dheer ayay i siiyeen oo waafaqsan wixii aan la akhrin jiray buugaagtii laga qoray dhaqamada iyo taariikhda Nigeria. Waxay i weydiiyeen inta ay le’eg yihiin ‘ummadaha’ iyo ‘dadyowga’ kala duwan ee ku nool Soomaaliya? Bal ka jawaaba su’aashaas, waayo qof walba oo saxaafadda ka arka musiibada ka socota Soomaaliya wuxuu u haystaa in dalkeenna ay ku nool yihiin dadyow kala diin ah oo kala dad ah.

Kheyr badan.

W/Q: Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Abuja, Nigeria

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com