Ahlu-Sunna oo soo rogtay amar dad badan aan u cuntami doonin

Muqdisho (Caasimada Online) – Go’aan kasoo baxay maamulka Ahlusunna ayaa waxaa lagu shaaciyay in dhawaan ciidamada gaarka ah ee maamulka ay bilaabi doonaan qaadista lacagaha canshuurta.

Maamulka ayaa sheegay in qaadista lacagahaasi ay ka bilaabi doonaan dadyowga ku nool degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Maamulka ayaa sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay inay u nuglaadan go’aanka maamulka waxaana la faray inay shuruud la’aan ku bixiyaan dhaqaalaha uu maamulka gooyay.

Cabdullaahi Axmed Barre oo ah Guddoomiyaha Ahlu-sunna ee magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in lacagaha canshuurta ah ay waxbadan uga qaban doonaan dhismooyinka iyo waxyaabaha kale ee loo baahda waxa uuna dadka shacabka ah ku amray inay bixiyaan lacagta canshuurta ah.

Waxa uu sheegay in canshuurta looga baahan yahay xitaa gaadiidka si loogu taageero sugidda ammaanka, bilicda isla markaana lacagahaasi loogu kabo howlaha kale ee maamulka khuseeya.

Isagoo la hadlaayay warbaahinta ayuu yiri ”Lacagtaan aan aruurinayno waxaa la yiraahdaa lacagta taakulada, waxaana lagu taageerayaa ammaanka sababtoo ahaa booliska amniga sugaya lacag beey rabaan”

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Cabdullaahi Axmed Barre ayaa u mahad celiyay sida dadka deegaanka ah ay u garabtaagan yihiin maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com