Gaari Qarax ka buuxo & ruuxii isqarxin lahaa oo la qabtay

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka jUbbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada nabad sugida ee maamulka Jubbaland ay qabteen gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo ruuxii waday.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga laga buuxiyay waxyaabaha qarxa lala damacsanaa in lagu weeraro goob weynaha ku badan yihiin oo ku taala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Ruuxa kaxeynayay gaariga oo isna la sheegay in waxyaabaha qarxa uu xiranayay ayaa doonayay inuu is qarxiyo kadibna gaariga qaraxiisa uu saameeyo goobta dadweynaha Soomaaliyeed ay ku sgan yihiin.

Ruuxa gaariga kaxeynayay ayaa lagu qabtay xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaana dadka halkaasi ku dhaqan ay bilaabeen iney isaga cararaan halka gaariga lagu qabtay, maadama ciidamada amaanka ay ku amreen.

Ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay iney furfuraan qaraxyada lagu xiray gaariga iyo ruuxa doonayay inuu is qarxiyo, waxaana ruuxa la qabtay la geeyay xero ciidan oo ku taala Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiika Kismaayo
Caasimada@live.com