QM oo shaacisay waqtiga uu ku egyahay xilka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) –Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilka Soomaaliya Michael Keating ayaa shaaciyay muddada kooban ee xil heynta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku dhawaaqay muddada uu xilka ka dhamaanayo madaxweyne Xasan.

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in bisha Nomember 6 ay tahay maalinta uu xilka ka dhamaaday madaxweynaha Soomaaliya iyo hayada kale ee dowlada Soomaaliya.

Waxii ka dambeeya maalinta 6 November ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya iyo hayadaha kale ee dowlada aysan qaadan karin go’aanada waaweyn ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale madaxda madasha wadatashiga ayuu ugu baaqay in kulankooda ay kusookoobaan wax ka yar hal todobaad islamarkaana laga dhabeeyaa balanqaadkii hore ee ahaa in doorashada aysan dhaafin bisha Octobar.

“Waxaan soo jeedineynaa in aysan ka qaadan muddo ka badan Hal Todobaad in lagu kala caddeeyo iney dhaceyso doorashada madaxtinimo 30 October, waxaana rabnaa in xilligii la isku aqbalay ee kama dambeysta ahaa uu dhaqan galo, iyadoo laga gun gaaraya dowladda Federaalka iyo baarlamaanka inaysan qaadanin go’aamo waaweyn xilligaa wixii ka dambeeya”ayuu yiri Danjire Michael Keating.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com