Daawo Sawirada sida uu u bas beelay Gaarigii maanta ku Qarxay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax lagu xiray gaari nooca raaxada ah oo maanta ka dhacay agagaarka Hoteel Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay wadihii gaariga oo qaraxa ka hor qabay shaki ku aadan in gaarigiisa lagu xiray walxaha Qarxa, kadib markii uu dareemay culeys.

Taliyaha qeybta Guud ee booliiska Gobola Banaadir ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay gaari uu lasocday Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xuseen Jaamici, waxa uuna sheegay Taliyaha in ganacsadaha uu qaraxaasi ka bad baaday.

Taliyaha ayaa meesha ka saaray jiritaanka qasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana goob joogayaal ay Warbaahinta u sheegeen in ay arkayeen dad waxyeelo kasoo gaartay qaraxaasi.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Qarax 1

Qarax 2

Qarax 3

Qarax  4

1

2

3