Puntland iyo Galmudug oo mar kale dagaal qaraar uu dhexmaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu maanta ka dhacay deeganka sarjimale ee beriga gobolka mudug.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland kuwaasi oo maalmahaani waday dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay dhul baaxad weyn oo daaqsi ah kaasi oo ku yaalla deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa Seddex maleeshiyo oo labada dhinac kala taabacsanaa, halka dhaawacuna uu gaaray ilaa Lix ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Labada maleeshiyo ayaa ilaa iyo iminka isku horfadhiya deegaankaasi, waxaana la sheegay in qorox dhicii ay kala gaaren maleeshiyaad kale oo gurmad ahaa.

Dhinaca kale, dadka dhaawaca ah ayaa iminka la dhigay xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com