Dowladda oo joojisay khaadkii Somalia iman jiray + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dhammaan duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya laga billaabo barito oo Talaado ah oo bisha September ay tahay 6 sida uu xaqiijiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.

Wasiirka ayaa BBC-da u sheegay in ”duruufo jira awgood” ay si ku meel gaar ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ka yimaada Kenya isagoo ka gaabsaday in uu carrabka ku dhufto sababta arintaasi keentay balse waxa uu tilmaamay in ay dib ka soo sheegi doonaan.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Tallaabadan waxay dharbaaxo ku noqon doontaa ganacsiga qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go’aankii ay dawaladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiye maadama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com