Xog: SIRTA R/W CC SHARMARKE uu gurigiisa isaga sharaxay maanta.

Muqdisho ( Caasimada Online)- R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa ku dhawaaqay inuu musharax yahay oo uu u tartamayo xilka M/weynaha 2016.

 

Musharaxnimada R/wasaaraha ayaa waxay ka dambeeysey kadib markii uu sidaas ku qanciyay M/weyne Xasan Shiiq oo raba in uu codad ku helo is sharaxaadda R/wasaarihiisa, taasi oo ah qorshe ay keeneen kooxda Damjadiid oo rabta inay ku qaldaan xildhibaanada oo ay u tusiyaan R/wasaaraha nin iskiis u sharaxan, iyada oo ay u qarsan tahay qorshaha ah in aakhirka uu codkiisa ugu shubo M/weyne Xasan si lamid ah sidii uu u dhaqmay R/wasaarihii hore Cabdiweli Cali Gaas.

 

Sidoo kale Sharmarke ayaa lala yaabay iyada oo uu hareer maray wadadii musharaxiinta lagu yiqiin ee ahayd in ay qabsadaan xaflado waaweyn, wuxuuna gurigiisa ku qabtay shir saxaafadeed  ay goob joog ka ahaayeen shaqaalaha xafiiskiisa iyo tira yar oo saaxiibadiisa siyaasadda ah, waxaana sidoo kale la yaab ku noqotay wariyayaashii shirka jaraa’id ka qayb galay in R/wasaaruhu aanu u muuqan nin ay dhab ka tahay xilka uu sheegay inuu raadinayo ee M/weynaha 2016.

 

Siyaasiyiinta qaar ayaa qaba in sababta uu isku sharaxay inay tahay iyada oo uu sidaas dalbaday M/weyne Xasan oo raba inuu xildhibaano ku helo, iyada oo loogu bedelayo in uu sii ahaan doono R/wasaaraha dalka, taasi oo aan la hubin maadaama Gaas sidaas oo kale looga baxay balan lala galay.

 

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com