Sawirro: Boorarkii C/raxman C/Shakuur oo Muqdisho laga fujiyey iyo jawaab uu bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Abdirahman Abdishakuur oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu si adeg uga hadlay sawirada ololahiisa doorashada ee laga fujiyey baalayaasha Muqdisho.

Abdirahman Abdishakuur ayaa waxaa uu ku tilmaamay arrintaasi mid ka hor’imaaneysa xuquuqda muwaadinka iyo dhowrista sinaanta musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha horey ayuu u sheegay inuu musharax yahay, maantana Ra’iisul wasaarhaa ayaa sheegay inuu xilkaasi u taagan yahay, sidaasi oo ay tahay ma ahan inay musharixiinta kale u diidaan ololaha doorasho oo ay ku jiraan” ayuu yiri Abdirahman Abdishakuur oo intaasi raaciyey :

Abdirahman Abdishakuur

“Boorar lagu dhejiyey sawirkeyga iyo magaceyga, qeybna ka ah ololaha doorasho ee aan ku jiro ayaa laga fujiyey meelaha ay ii sureen shirkadaha xayeysiimaha ee aan la hishiiyey, waxaana sameyney baaris aan ku ogaaney inay arrintaasi lugaha la gashay madaxda dowlada iyo maamulka gobolka Banadir” ayuu yiri Musharax Abdirahman Abdishakuur.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in guddiga doorashada qaranka uu u gudbinayo warqad cabasho ah oo uu ku muujinayo sida aysan madaxda dowlada raali uga aheyn qabashada doorasho loo wada siman yahay, haddiiba ay ololaha bilowga u ah doorashada diidan yihiin.

“Guddiga doorashada waa shaqadooda inay xaqiijiyaan ololaha musharixiinta inuu yahay mid loo siman yahay, sidaasi darted, waa inay degdeg boorarka la iga fujiyey iyo kuwa la iga jeexjeexay usoo farageliyaan, ismarkaana ay madaxda dowlada ku cadaadiyaan inay xagal-daaca ka daayaan doorashada” ayuu yiri Musharax Madaxweyne Abdirahman Abdishakuur.

Ugu danbeyntii waxaa uu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud inuu madaxda gobolka, laammaha ammaanka iyo garsoorka kala hadlo joojinta dhaqanka caqabada ku ah dowladnimada.

SAWIRADA LAGA FUJIYEY MUSHARAX ABDIRAHMAN ABDISHAKUUR HALKAN KA EEG:

musharax 1 musharax 2 Musharax 3 musharax sax