Qarax gaari loo adeegsaday oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho kaasi oo la sheegay in lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa la sheegay in uu ahaa Surve, iyadoo Qaraxa Gaarigaasi uu bur bur ugeystay Goobaha Ganacsi ee halkaasi ku yaallay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa rasaas xoogan laga maqlay inta u dhexeysa Magareeshinka iyo Hoteel Wardheer oo saaran wadada Makka Al-mukarama.

Qaraxa kadib ayaa waxa ay ciidamada xireen dhammaan wadada Makka Al-mukarama waxa ayna halkaasi ka qaaden dhaawacyo.

Ciidamada DFS ayaa iminka halkaasi kawada baaritaan xoogan waxaana lasoo warinayaa in Qaraxa loo qabqabtay dhalinyaro farabadan.

Laamaha amaanka wali kama aysan hadal, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo bandhigaan macluumaadka la xiriira Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com