Keating oo digniin culus u diray Hogaamiyayaasha Madasha Qaran

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa digniin kasoo saaray kulanka la filaayo in Hogaamiyayaasha Madasha Qaran ay ku yeelan doonaan gudaha asbuucaani magaalada Muqdisho.

Michael Keating, ayaa sheegay in Hogaamiyayaasha looga fidhiyo sidii ay u badbaanin lahaayen dalka Somalia oo xiligaani ku jira xaalad adag oo aan lasoo koobi karin.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Hogaamiyayaasha ay dhabar adeeg muujiyeen mudada kooban oo ay shaqeynayaan balse waxa uu sheegay inay ilowsan yihiin xal u raadinta wakhtiga uu Xassan Sheekh noqon doono shacabka waxa uuna sheegay in loo baahan yahay inay wada qaatan go’aan cadeyn kara maalmaha ay sii jireyso dowlada Somalia iyo waxa la gudboon mas’uuliyiinta uu xilka ka dhamaaday.

Waxa uu Mr Michael Keating Hogaamiyayaasha uga digay in mar dambe aanay wax dambe oo wadatashi ah ka gelin habka qabashada doorashada dalka iyo sidii lagu soo xuli lahaa aqalka sare, taas oo ay ku jirto qaababka doorasho.

Michael Keating, waxa uu sheegay in Hogaamiyayaasha aysan dhabar adeegooda kusoo afjarin fashil iyo shaqo xumi waxa uuna ugu baaqay inay la imaadaan mowqif mideysan si aanu u dhicin dib u dhac mar kale ah.

Michael Keating, waxa uu sidoo kale sheegay in Beesha Caalamka ay kalsooni gaar ah siineyso Hogaamiyayaasha, balse dhankooda looga baahan yahay inay ka ilaaliyaan kalsoonida la siiyay, sida uu hadalka u dhigay.

Kalsoonida ayuu sheegay inay imaankarto keliya marka ay Hogaamiyayaasho la imaadan mowqif mideysan waxa uuna ka digay inay dayacaan dhabar adeega ay hayeen dhowrkii bil ee lasoo dhaafay.

Haddalka Michael Keating, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dhawaan la shaaciyay in Beesha Caalamka ay bixisay dhaqaalihii loogu tallo galay doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com