”Ma arag meel ay dastuurka uga qoran tahay Musharaxiinta halaga uruursado min 5,000$”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Max’ed Cumar Dhalxa oo ka mid ah mudanayaasha BFS, ayaa aad uga soo horjeestay nidaamka loo maraayo diiwaan galinta Xildhibaanada cusub ee kamid noqon doona BFS.

Dalxa ayaa sheegay in nidaanka ay DFS u dajisay diiwaangalinta Xildhibaanada ay tahay mid khaldan oo aan laga fiirsan waxa uuna carab dhabay inaanu jirin sharci muujinkara in talaabo waliba loo maro waxa uu qabo dastuurka dalka.

Dhalxa ayaa sheegay in lacagaha laga qaado Musharrixiinta doonaya in ay dalka xilka siyaasadeed ka qabtaan aysan ku qorneyn dastuurka u yaala dalka sidaa darteedna ay noqoneyso sharci darro.

Waxa uu sheegay inuu kala garan la’ yahay in dhaqaalaha lagu diiwaan galinaayo Xildhibaanada Cusub ay tahay mid dhaqaale uruursi ah iyo inay tahay mid lagu marin habaabinaayo sharciga dalka.

Waxa uu sheegay in dhammaan qodobada ku qoran dastuurka dalka uusan ku jirin qodob dhigaaya in siyaasiyiinta kamid noqoneysa baarlamaanka cusub laga uruuriyo dhaqaale aysan awoodin, waxa uuna taasi ku micneeyay mid lagu afduubaayo sharciga dalka u degsan.

Go’aanka dhaqaalaha looga uruurinaayo siyaasiyiinta xil doonka ah ayuu sheegay inay tahay mid qalbi jab u keeni karta kuwa doonaaya inay kamid noqdaan hogaaminta siyaasada dalka.

Wuxuu carab dhabay inay adag tahay in musharaxiinta u taagan kamid noqoshada baarlamaanka ay bixiyaan min 5,000$, balse waxa uu sheegay inay wanaagsanaan laheyd in laga fiirsado go’aankaani ku cusub dhagaha shacabka.

Dhinaca kale, waxa uu cadeeyay in dhaqaalaha laga uruuriyo dadka xil doonka ah aysan ku dhici doonin qasnada DFS.

Caasimada Online
Xafiiska MUqdisho
Caasimada@live.com