Beesha caalamka oo talo aan caadi aheyn usoo jeedisay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa soo jeediyay in Madaxda Hogaamiyayaasha Gobolada dalka ay si cadaalad ah u diyaariyaan xulista Xildhibaanada u matali doona labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Ergayga Qaramada Midoobay, waxa uu sheegay in iminka loo baahan yahay in Xildhibaanada ka imaan doona maamulada dalka ay ka dhexmuuqdaan Haweenka waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in la tijaabiyo Haweenka Soomaaliyeed oo aad ugu yar DFS ee hadda jirta.

Ergayga Qaramada Midoobay, wuxuu soo jeediyey in madaxda maamul goboleedyada hadda jira iyo kuwa imaan doona ay xulista musharaxiinta aqalka sare ay ku daraan ugu yaraan min 3 kursi oo haween ah kuwaasi oo u tartami doona xilka aqalka sare.

Wuxuu sheegay in Beesha Caalamka ay dooneyso in Siyaasada Somalia aan loo badin keliya ragga waxa uuna carab dhabay inay jiraan Haween ka shaqo badan ragga marka loo eego shaqada dowlada Somalia.

Madaxda maamulada ayuu sheegay in looga baahan yahay inaysan ka caajisin dardar galinta Siyaasada mideysan waxa uuna ka digay in laga tago Haweenka Soomaalida ee aan sanadahaani ka muuqan dowladaha Somalia soo maray.

Beesha Caalamka ayuu sheegay in ahmiyad gaar ah ay u aragto in siyaasada Somalia ay ka dhexmuuqdan dumarka waxa uuna meesha ka saaray wararka sheegaya in Haweenka aysan ku fiicneyn Siyaasada.

Si kastaba ha ahaatee, Ergayga Qaramada Midoobay ayaa ka digay in Xildhibaanada imaan doona laga reebo Haweenka Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com