Galmudug oo shaaciyay in uu dagaal ka dhacayo Gaalkacyo haddii…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay xiisada ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo waxyaabaha saacad kastaa la fileysan karo.

Wasiir Taardhuleed ayaa sheegay in mar walbaa dagaal laga fileysan karo inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kaasi oo ka dhashay amarkii dhawaan maamulka Puntland uu kusoo rogay gaadiidka ka tagayay deegaanada koofureed ee dalka Soomaaliya.

Cismaan Ciise Nuur ayaa sheegay in go’aankaasi Puntland ay u malayso inuu amni ku xaqiiqsamayo balse taasi badalkeeda ay ka dhalan karto amni daro midda ugu daran, sida uu hadalka u dhigay Taardhuleed.

” Haatan waa deggan tahay mana jirto wax ka cusub ama in la is hor fadhiyo balse waa meel laga filan karo in mar waliba wax ka dhacaan”

” Xaalad cakiran ayaa jirta oo ka taagan go` aankii Puntland ku xayireen ganacsigii iyo dhaq dhaqaaqii gaadiidka ee gobolada isaga gudbi jiray , sidaa darteed wax waliba ayaa la filan karaa” ayuu sii raaciyay Mr Ciise.

Xiisada kale ee ka taagan magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid u dhaxeyso maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada dhinac ee magaalada, maadaama dhawaan ay ku dagaalameen duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolkaMudug.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com