Xassan Sheekh oo furay Shirka Madasha & Qodobada laga doodaayo oo lasoo bandhigay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaasi oo ay ku dhanyihiin madaxda DFS iyo kuwa maamulada dalka.

Shirka ayaa waxaa furay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale ku wehlinaayay shirka labada mas’uul ee dalka ugu sareysa markii laga reebo Xassan.

Shirkaani iminka ka furmay magaalada Muqdisho, ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay isugu yimaadaan Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana lagu wadaa in shirkaani uu socdo muddo laba maalin ah.

Shirkan ayaa inta badan waxyaabaha diirada lagu saari doono waxaa ka mid ah turxaan bixinta Golaha Sare ee Baarlamanka, sidii tabashooyinka loo yarayn lahaa, Maqaamka Magaalada Muqdisho oo xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran weli aysan si toos ah u cadeynin, iyadoo dalabaad kala duwan oo arintaasi ku saabsan loo jeedinaayay.

Shirkan Madasha Qaran ayay horey Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ugu heshiiyeen in uu furmo 7 Bishan September, balse waa laga soo hormariyay waxaana lagu waday in uu shalay Furmo , laakiin dib u dhac ayaa ku yimid oo maanta ayuu furmay.

Dhinaca kale, Siyaasiyiinta Somaliyed ayaa indhaha ku haya go’aanada suurtagaljka ay tahay inay ka soo baxaan Shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com