Tarsan oo Cc & Xasan Sheikh weeraray kadib markii ay sameeyeen….

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa arin walaaceeda leh ku tilmaamay in madaxweeynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha ay shaaciyaan iney yihiin musharax nmadaxweyne iyaga oo wali talada dalka haya.

Tarsan ayaa nasiib daro ku tiomaamay in labada masuul ay isku soo sharaxaan xilkaasi iyaga  oo aan baneyn xilalka ay hayaan, wuxuuna soo jeediyay talo ay adag tahay iney go’aankeeda qaataan madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha taasi oo aheyd in midkood xafiiska uu baneeyaa.

“Waxaa nasiib daro ah oo umaddan Somaliyed haysata waxaa waaye dadkii isla shaqeynaayay oo Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare isku ahaa inay maanta ku tartamayaan Kursiga iyagoon iscasilin ama jagadii iska dhiibin, waxaa ceeb ah in Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasarihii isla tartamaayo oo xafiiskiisa isla fadhiyaan”

“Waxaa qatar ah Madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare Musharaxiin ah oo Waqtiga ka dhamaaday, waad ogtihiin Madaxweynaha 10-ka Bisha ayuu xilka uga eeg yahay marka sidee wadankaan loo maamulayaa, yaase Masuliyadiisa qaadaya, yaase lagu aamini karaa, maadaama Musharaxiin ay noqdeen, Dhaqaalaha Wadanka iyo ammaankiisa yaa lagu aamini karaa aadbey shacabka Somaliyed u nasiib daran yihiin waana ceeb.” Ayuu yiri Tarsan.

Dhinaca kale Tarsan ayaa soo jeediyay in maadaama labada masuul ee dalka ugu sareyso musharixiin yihiin iney awooda dalka wareejiyaan islamarkaana aan doorasho lagu galin dhaqaalaha dadweynaha sida uu sheegay Tarsan.

“Maadaama Xasan Sheekh Musharax yahay, Cumar C/rashiid uu musharax yahay waa in Awooda ay ku wareegtaa Xubnaha kale ee Madasha Hantida Dowladana Doorashada uma isticmaali karaan, waa inay ka baxaan guryaha ay ku jiraan xitaa guryaha ay ku jiraan Doorasho kuma geli karaan”ayuu hadalkiisa kusii daray Tarsan.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com