Ahlu Sunna: BF waa kuwa taabacsan Dam-jadiid & Fadlan lacag ku shubo ah

Dhuusamarreeb (Caasimada Online) Maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ayaa caawa weerar afka ah ku qaaday baarlamaanka Soomaaliya iyagoona ku eedeeyay in aysan waxbo dhaamin kuwiii ka horeeryay.

Gudoomiyaha dhanka talada maamulka Ahlu Sunna ee gobalada dhexe ee  Sheekh Cumar Shiikh Cabdiqaadir oo la hadlay mid ka mid Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in maamulkooda saluugsan yahay hannaanka uu ku shaqeeyo baarlamaanka iyo hey’addah dowladda.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda hadda jirta in ay uga baxday heshiisyo badan oo ay horrey ula gashay Ahlu Sunna.

Guddoomiyaha talada Ahlu Sunna ayaa tilmaamay in raysal wasaarihii horre Saacid uu tagay Dhuusamareeb ballan qaad uu sameeyay dhowr bil ka hor wax ka hirgalay ma jirto ayuu yiri.

Mar la weydiiyay sida ay u arkaan raysal wasaaraha cusub wuxuu sheegay in raysal wasaaraha aaney waxbo ka sheegeynin maadaha aysan arkin wax qabadkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu Sheekha weeraray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu sheegay in labo ay u kala baxeen qolo uu ku sheegay in ay ka tirsan urur diimeedka Dam-Jadiid ee uu madaxweynaha ka tirsan yahay iyo ku shaqeeya lacag uun ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdish

Caasimada@live.com