R/W SAACID oo war cusub laga helay

Muqdisho (Caasimada Online) Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha kana soo shaqeeyay Idaacadda BBC-da iyo Radio Muqdisho oo hadda ku sugan Muqdisho, ayaa maanta booqasho gaaban ugu tagay raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdifaarax Saacid Shirdoon oo hadda xafiiska baneenaya.

Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay wax yaabaha uu kala soo kulmay Saacid iyo sida uu ugu qanacsan yahay howsha uu soo qabtay iyo in uu diyaar la yahay la shaqeynta madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha cusub.

Yuusuf Garaad ayaa yiri “Salaan sagootis ah ayaan maanta ugu tegey, Ra’iisal Wasaare Saacid Shirdoon. Waxaa uu iigu muuqday hoggaamiye ku qanacsan wax qabadkiisa. Wuxuu ii sheegay inuu faraxsan yahay in uu qabtay wixii uu karay. Waxaan aad u jecleystay qorshihiisa dhow. In uu Nadaxweynaha oo ay isla soo shaqeeyeen, saaxiibna ahaayeen tobaneeyo sano iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub oo ay soddameeyo sano saaxiib ahaayeen uu ku gacan siiyo howshooda si ay Soomaaliya hore ugu tallaabsato. Waxaa ii soo baxay wax aan filayay: in Saacid ilbaxnimo iyo xushmo badan yahay, iyo in aanay u billowneyn tabaha ay siyaasiyiinta qaar ku dhaqmaan ee ku salaysan xasadka, isku dirka, khiyaamada, xuma sheegga iyo quursiga inta kale. Allaha xafido Ra’iisal Wasaare Saacid.”

Si kastaba, raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Axmed Sheekh ayaa la filayaa in maalinta sabtida ah uu hortago baarlamaanka si loo siiyo codka kalsoonida, wixii markaas ka dambeeyana wuxuu u wareegi doonaa xafiiska uu hadda ka tagayo Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com