Ahlu Sunna iyo Sabriye oo hal arrin ku heshiiyey (Aqri)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan u dhexeeyey hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, kaas oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Inji ayaa waxaa diirada lagu saaray dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, si xal looga gaaro, kadibna loo sii guda gali lahaa waji labaad ee dhismaha Galmudug oo loo dhan yahay.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna ee dhowaan gudaha u soo galay Dhuusamareeb looga saari lahaa magaalada, looguna celi lahaa xeryihii ay ka soo baxeen, kadib shaqaaqadii lagu rasaaseeyeey madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in wasiir Sabriye iyo hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ay isku raaceen in ciidamadaasi dib loogu celiyo saldhigyadoodii, ammaankana lagu wareejiyo ciidamada nabad sugida.

Ugu dambeyn labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ku aadan khilaafka ka dhashay guddiga farsamada maamul u dhisada Galmudug iyo sidii loo soo afjari laha, balse ma jiro weli xal rasmi ah oo laga gaaray arrintaasi.

Ahlu Sunna oo ka hortimid guddigii dowladda ayaa mid kale uga dhawaaqaday Dhuusamareeb, kaasoo ay dhowaan ansixiyeen xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, taasoo xaaladda uga sii dartay, lamana oga sida ay wax noqo doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com