Fatahaadda Beledweyne: Musiibo rabbaani ah mise mid gacan ku sameys ah?

Ugu horeyn waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan walaalaha reer Beledweyn oo isugu jira asxaab qaali ah, walaalo, masaakiin birma geedo ah, ganacsato iyo inta ay saameynta taban ku yeelatey fatahaada webiga Shabelle ee magaalada Beledweyn.

Waxaan rabaa inaan halkaan kusoo bandhigo aragtideyda ku aadan dhibaatanaha biniaadamnimo ee ka jirta magaalada Beledweyn. Run ahaantii, waa wax aad looga murugoodo ineynu sanad kasta marka la gaaro waqtigaan oo kle ka baroorano musiibo fatahaad oo aafo weyn gaarsiineysa walaalo nagu qaali ah iyo magaalo maqaankeeda sida Beledweyn oo kale ah. Beledweyn waa magaalo dhaqaale iyo ganacsi taas oo ay u dheertahay goobta straatiijiga ah ee ay dhacdo marka loo eego muhiimada ay u leedahay isku xirka ganacsiga iyo isu socodka gobolada waqooyi iyo koonfur ee dalka.

Intaas waxaa sii dheer, in magaalada ay hoy u tahay indheer garad aad u badan kuwaas oo qeybo kala duwan iyo heerarka kala gelisan ee horumarka dalka udub dhexaad u ah. Ka shaqsi ahaan, weli maan tegin magaalada beledweyn hase ahaatee waxaan aqaan asxaab fara badan oo ka yimid beledweyn oo aynu bah wadaag ku aheyn waxbarashada iyo shaqada. Waxaan sidoo kale ogahay in ardada iyo aqoonyahana ugu badan ee maanta Muqdisho wax ku barta iney u badan yihiin kuwo ka yimid Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, qiyaasteyda keliya waxaa ka badan kuwa magaalada Muqdisho ku dhashey. Si la mid ah waxey aad ugu xoogan yihiin ganacsiga iyo saameynta siyaasada ee dalka guud ahaan.

Haddaba, iyadoo ay magaalada dalka uga dhigantahay xajmiga aan kore kusoo xusey iyo weliba kuwo kale aan halkaan kusoo koobi karin, maxaa keeney in hal dhibaato ay soo noqnoqoto sanad weliba? Waxeynu sanadkasta ka sheekeynaa xubno muhiim ah oo aynu ku weyney dhibaatada webiga aawadeed, adduun qiima badan inooga fadhiya oo ku weyno, caqabad dhanka dhaqaalaha dalka oo idil ah taas oo ka dhalata saameynta ay fatahaada ku yeelato isu socodka gobolada dalka iyo hakad ku yimaada  suuqgeynta waxsoosaarka magaalada.

Maxaa keeney in magaalada ay awoodi weyso iney qiimeyn ku sameyso aafooyinka dabiiciga ah qorsheysana hababka ugu haboon ee loo xakameyn karo dib usoo noqnoqodka dhibaato aan cidina u aaba yeeleyn. Waxey magaalada leedahay maamul u dhisan u addeegista dadka reer Baladweyn. Waxaa ugu horeeya ee looga baahan yahay ayaa ah badbaadinta nolosha iyo hantida dadka magaalada, iyo horumarintooda. Si la mid ah, waxaa jira maamulka Hirshabeelle oo loo doortey u khidmeynta dadka Hirshabelle oo ay koow ka tahay magaalada ugu weyn ee labada gobol ee uu maamulka ka arimiyo. Waxa ay dadka gobolka siyaabo kala duwan u bixiyaan canshuurta iyadoo hadafka koowaad uu yahay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarineed iyo maamul ee danta guud.

Intaas waxaa sii dheer, kaalmaha bani’aadanimo ee sida joogtada ah loogu deeqo maamulka iyo horumarinta nolosha dadka reer Hirshabelle iyo magaalooyinka ka hoos dhisan. Marka ay soo ifbaxaan xaalada deg deg ah sida tan hada taagan, waxaa jira gargaar loo fidiyo dhibanayaasha ayadoo laga falcelinayo musiibada. Deeqahan waxey isugu jiraan kuwo ay bixiyaan deeq bixiyayaal caalami ah, dowlada dhexe, ganacsato Soomaaliyeed, bulsho weynta Soomaaliyeed, iyo gurba joog. Marka aad qiimeysid, waxaa kuu soo baxaya in dhaqaalaha malaayiinta doolar ah uu si weyn ugu filan yahay in Beledweyn loo sameyo water bank awood u leh xakameynta biyaha webiga ama ugu yaraan hirgelinta wadiiqo kumeel gaar oo lagu yareyn karo saameynta fatahaada xilliyadaan oo kale.

Suaasha waxey tahay, maxaa qaldan?

Isma lihi dhalinta iyo aqoonyahanada aan arkey garaadkooda inta uu gaarsiisan yahay ayaan ku buraarugsaneyn dhibaatada. Sidoo kale isma lihi, reer Hiiraan oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda looga yaqaano hormuudka umadda ayaa caqligooda keeni waayey iney u fekeraan aayaha magaaladaas qiimaha badan. Hase ahaatee, waxan shalaay ka qabi doonin inaan soo bandhigo in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo faaiido ku qaba dhibaatada nuucaan oo kale ah. Waxaan aaminsanahay in musiibadda maanta taagan aysan aheyn mid dhabiici ah laakiin ay tahay mid gacan ku sameys ah taasi oo ay si dahsoon u warshadeeyaan shaqsiyaad gaar ah oo ka macaasha. Kuwani waxey noqon karaan:

1- Shaqsiyaad caadeystey iney jeebkooda ku buuxsadaan taageerada maaliyadeed xilliyadan loogu gargaaro umada dhibaatadu saameyso kuwaas oo u baqaya danahooda gaarka ah hadii xal waara loo helo musiibadan aan ciddina u aaba yeeleyn.

2- Maamul heshiis ku ah boobka iyi dhaca hantida umada ayagoo ka taajiraya qidmadii dadka ay u bixiyeen maareynta baahiyaha bulsho. Waxey lunsadaan wixii keyd maaliyadeed iyo mid maadi ay bulshada leedahay xisaabna ugama uguma jirto u gogol xaarida musiibooyinka bulsha. Sababta ugu weyn ayaa ah in marka horeba aysan kula galkooda aheyn kobcinta bulshada waxeyna arkaan in dhibaato kastoo dhacda uu xigi doono gargaar ayaga ka madaxbanaan.

3- Maqnaashaha xubin madax banaan oo la xisaabtanta kuwa aan kore kusoo sheegney oo ay ugu horeyso dowlada dhexe. Waxaa habooneyd in maamulka fahmi waayey inuu dejiyo siyaasad caqli gal ah oo musiibadan looga baaqsan karey lagula xisaabtamo dhibka iyo aafada.

Xalka muxuu ku jiraa?

Xal ka ugu fiican waa midka ka yimaada gudaha cida ay dhibaatadu heysato. Si kale hadaan u dhigo, wuxuu xalku dhexyaalaa bulshada reer Beledweyn oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada, ganacsatada, odoyaasha, iyo aqoonyahanada. Beledweyn uma baahna Bulsho bil ka hor qorsheysa halka ay uga baxsan lahaayeen fatahaad soo socota. Uma baahna Beledweyn xildoon iyo madax saacadaha soo aadan isku soo sawirta dhibanayaal aan Alle mooyee cid kale u maqneyn. Waxey u baahan tahay bulsho dhibaatada gacmo wada jir uga gaashaanta. Waxey u baahan yihiin iney wixii gargaar ah ee soo gaara ay si xikmadeysan u maamulaan kana fekeraan sida ugu haboon ee ay u baajin karaan musiibo tan la mid ah oo sanad kadib laga soo sheego isla Beledweyn. Hirshabelle, gaar ahaan reer Beledweyn, waxaa u wanaagsan iney u kacaan qorsheynta xal waara si ay u muujiyaan waxa ay awoodaan iney qabsadaan iyadoon cidna u daba fariisan.

Gebagebadii, waxaan bogaadinayaa dadaal kasta oo loogu gargaarayo walaalaha ku dhibaateysan #Beledweyn waxaana Alle uga baryayaa in uu ka yasiro.

W/Q: Dr. Abshir Yonis Muse
abshiryonis@kdis.ac.kr

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid