Fatahaada wabiga oo laga cabsi qabo inay goyso jidka Muqdisho iyo Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya maamulka HirShabelle ayaa sheegaya in fatahaad hor leh saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabelle uu ka geystay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Fatahaada cusub oo uu sameeyey Wabiga ayaa laga cabsi qabaa in ay goyso waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, maadaama ay biyuhu ku soo dhowaadeen deegaano iyo beero ku yaalla hareeraha waddadaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in wabigu ku fatahay deegaano hor leh oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ka bilowday halkaasi barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka.

Deegaanada uu wabiga Shabelle saameeyey ayaa waxaa ka mid ah Buurfuule, Buulo Sabuun, Muriyaale, Lama-Waab, Xudur Ciise iyo Kulmis Weyne.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa sheegaya in la helay meydka mid ka mid ah dadkii ay shalay doonida kula degtay magaaladaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen shacabka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Meydka la helay oo qof rag ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay, Shariif Xasan Ganeey, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada degmada Beledweyne, waxaana meydkiisa laga helay duleedka magaaladaasi.

Illaa iyo hadda waxaa maqan oo la la’yahay 10 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta degtay, sida ay shaaciyeen kooxaha ku howlan gurmadka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada dadka la’yahay:

1-Sharmarke Khaliif Hassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne

2-Dahabo Axmed Hassan lataliyaha sare ee arimaha haweenka madaxweynaha Hirshabelle

3-Khaliif Hassan Agaasimaha Xafiiska duqa Baladweyne

4-Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne

5-Gulled ibraahin IT dowlada Hoose Baladweyne

6-Abdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne

7-Macalin Nuur Ganacsatade

8-Ahmed Ali Osmaan (Ahmed Ganey) Ganacsade

9-Muscab Xuseen muuto darawal doonida rogmatay

10- Wiil school Sheikh maxamed macalin F4 ka haa oo Magaciisa lahayn

Xaaladda Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana biyuhu dhulka ay ka sarreeyaan hal mitir, sida uu sheegay guddoomiye Cali Muxumed Caraale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com