Ahlu Sunna iyo Sabriye oo shir xasaasi ah yeeshay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulan gaar ah oo u dhexeeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca uu ka dhacay degmada Dhuusamareeb ee gobolkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa inta badan diirada lagu saaray mad madowga siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan guddiga farsamada Galmudug.

Sidoo kale shirka oo qaatay saacado badan ayaa lagu soo qaaday, sidii looga qancin lahaa garabka Ahlu Sunna tabashada ay ka qabto dhismaha guddigaasi.

Wararka ayaa sheegaya in aan la gaarin wax xal ah, islamarkaaa uu shirka ku soo dhammaaday is faham waa, sida aan xogta ku helnay.

Dhinaca kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo in saacadaha soo socdo Dhuusamareeb uu dib ugu laabto Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, si ugu yaraan Ahlu Sunna loo qanciyo, kadibna loo sii guda galo lahaa wajiga labaad ee dhismaha Galmudug.

Xaaladda Galmudug oo muddo dheer is jiid ku jirtay ayaa waxaa la qorsheynayaa in isbedal maamul iyo doorasho ay ka dhacdo, si loo dhiso Galmudug oo loo dhan yahay.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com