Ahlu-Sunna oo ciidamadeeda ku wareejineysa Farmaajo, Sabab?

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa si cad u sheegay in ciidamadooda ay kamid noqonayaan ciidamada dowladda cusub ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta Ahlu sunna ayaa sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, waxayna sheegeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlusunna Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ciidamadooda lagu wareejiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Waxaan diyaar u nahay in ciidankeena aan ku wareejino dowlada cusub, maadaama Somali ay israacday, islamarkaana la soo wada dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Farmaajo.” Ayuu yiri Sh Mursal.

Halkaan ayuu jeediyay kadib markii uu siyaabooyin kala duwan ula hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho.

Ahlu sunna ayaa si adag uga soo horjeeday dowladda uu hogaaminayay Xasan Sheikh Maxamuud, waxayna ku eedeeyeen inuu balamo kala duwan kaga baxay marar badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com