Beesha caalamka oo 3 arrimood ku faragalin doonta Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo isdaba joog ah oo u dhexeeya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa qalbi furan u muujinaaya Wakiilada kadib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaya in Farmaajo uu yareynaayo faragalinta Diplumaasiyiinta reer galbeedka ah ku hayaan Somalia.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa doonaaya in waxbadan ay ka ogaadan cida Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, uu u magacaabaayo Ra’isul wasaaraha iyo Xubnaha kale ee kamid noqon doona Xukuumada Cusub.

Waxyaabaha ay Wakiilada Beesha Caalamka faragalinta ku sameyn doonaan ayaa waxaa kamid ah:

1- Magacaabida Ra’isul wasaaraha uu yeelan doono dalka, si shaqsiga xilkaasi loo magacaabi doono uu u noqdo mid ka dhaadhicikara Beesha Caalamka.

2-Shaqsiyaadka uu Ra’isul wasaaraha u magacaabi doono Golaha Wasiirada, waxaana suuragal ah in Beesha Caalamka ay xubno ku dhexyeeshaan xukuumada.

3-Shaqsiyaadka loo magacaabi doono Hay’adaha amaanka, oo sida caadaduba aheyd lagu keeni jiray rabitaanka Beesha Caalamka, maadaama ay iyagu bixiyaan Tababarada iyo Saanada ciidan.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaa waxaa horyaal Caqabado dhowr ah maadaama lagu xanto inuu yahay shaqsi aad uga fogaada Shisheeyaha ku dhaqan Somalia, oo uu aaminsan yahay inay sabab u yihiin horusocod la’aanta dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayaan howlaha qaar uga maarmi doonin Beesha Caalamka, iyadoo sababtu ay tahay inay yihiin kuw miisaan Siyaasadeed ku dhex leh dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muaqdisho
Caasimada@live.com