Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulan ku leh Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in kullan uu albaabada u xiran yahay uu Villa Somalia uga socdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh.

Kulanka ayaa la sheegay inuu ka socdo Xafiiska Madaxweynihii hore ee aan wali lagu wareejin Madaxweynaha cusub, waxaana la sheegay in kulanka uu yahay mid ay banaan joog ka yihiin Mas’uuliyiinta kale.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa kulankooda uga hadlaaya Isbedelka dhacay, waxaana sidoo kale Madaxtooyada Somalia la barayaa Madaxweynaha cusub.

Sidoo kale, Labada Mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlaaya xil wareejinta, waxaana xusid mudan in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh uu Madaxweynaha cusub tallo ka siinaayo dhismaha Dowladiisa cusub.

Dginaca kale, waxaa aad loo adkeeyay amniga Villa Somalia oo la geeyay Ciidamo dheeri ah oo uu wato Madaxweynaha Cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com