Itoobiya oo war lama filaan ah ka soo saartay madaxweyne Farmaajo

Addis-Ababa (Caasimadda Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale ka hadashay  arrinta ku aadan madaxweynaha cusub ee loo doortay taliska Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maalin ka hor ayey aheyd markii dowladda Itoobiya ay farriin dabacsan usoo dirtay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo taasoo ay ugu hambalyeenayeen ku guuleysiga kursiga looga arrimiyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa helay 184 cod halka madaxwweynihii hore ee dalka Xasan Shiikh Maxamuud uu helay 97 cod, ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka dhawaajiyey in doorashadii ka dhacday Soomaaliya ay aheyd mid cadaalad ku saleysan isla markaasna lagu wada-qancay.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu wuxuu sheegay in dowladiisa ay xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dowladda cusub ee u dhalatay Soomaaliya.

“Waxaan ballan qaadayaa inaan si wanaagsan ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si loo helo awood ay soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagto kadib dagaalo sokeeyo oo ka socday muddo 26 sano ah.” Ayuu yiri Hailemariam Desalegn.

Waxaa kaloo xusid mudan inuu Farmaajo halmbalyo ka helay dowladaha USA iyo United Kingdom kuwaas oo ku tilmaamay inay tahay guul usoo hoyatay Soomaaliya.

Caasimadda Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com