Beelaha Hawiye oo isku heysta xilka R/W iyo caqabado hortaagan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda kulamo u dhexeeya Beelaha Hawiye kaa oo lagu baadi-goobaayo xilka Ra’isul wasaarenimo ee dalka.

Kulamada ayaa ka kala socda Hoteelada waaweyne ee magaalada kuwaa oo ay ku shirsan yihiin Siyaasiyiin kasoo kala jeeda Beelaha Hawiye gaar ahaan Abgaal, Murusade iyo Habargidir oo loolan adag ugu jira qabashada xilka Ra’isul wasaaraha cusub.

Beelaha Abgaal, Murusade iyo Habar-gidir ayaa si hordhac ah Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo ugu gudbiyay liiska Musharaxiinta ay xilkaasi la doonayaan.

Beelaha Abgaal iyo Habargidir ayaa ku jira loolanka ugu badan ee xilkaasi lagu raadinaayo, halka Beesha Murusade ay dhinacyo badan kasoo mareyso Madaxweyne Farmaajo.

Maxamed C/llahi Farmaaj, Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa shaqada koowaad ee laga rabo waxaa ay tahay in uu soo magacaabo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya , kaa oo soo dhisi doona xukuumada soo socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa fursad u heysta in Ra’isul wasaaraha uu kusoo magacaabo muddo 30 Cisho ah, waxaana muuqaneysa caqabado dhowr ah oo ka taagan kursigaasi.

Lama oga cida uu Madaxweynaha ka dhigan doono Ra’isul wasaaraha, waxaase loo badinayaa inuu kasoo dhex xulan doono Musharaxiintii uu ka guuleystay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com