Ahlu-Sunna oo dagaal rogaal celis ah ku gashay Guriceel iyo saraakiil sare oo laga dilay DF

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidanka Ahlu-Sunna ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku heynta magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, kadib dagaal qaraar oo si rogaal celis ah ay ugu soo qaadeen galabta goobihii ugu muhiimsanaa ee maanta dagaalka looga saaray.

Dagaalka galabta oo soo gaaray illaa caawa ayaa sababay khasaare xoog leh oo ka badan kii maanta, labada dhinacba dhimasho iyo dhaawacyo badan ayaa ka soo gaaray dagaalka.

Saraakiisha ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey geeridooda waxaa ka mid ah Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Gaashaanle Cabdiladiif Feyfle, sidoo kale waxaa la soo werinayaa geerida saraakiil kale oo kala hoggaaminayey ciidamada labada dhinac, in kastoo illaa hadda aan la heyn tiro rasmi ah.

Dagaalka galabta dhacay ayaa yimid markii Ahlu-Sunna oo lagu jebiyey dagaalkii maanta ay heshay gurmad ciidan Xildhibaan Saadaq Sheekh Yuusuf  Direed uu hoggaaminayo, kaas oo Gurceel ka soo galay dhanka waqooyi.

Saldhigga dhexe ee booliska, xarunta degmada iyo inta badan goobihii muhiimka ahaa ee magaalada ayaa gacanta u galay Ahlu-Sunna, waxay ciidamada dowladdu uga baxeen magaalada dhanka bari.

Sidoo kale wararka aan ka heleyno Guriceel waxay intaas ku sii darayaan in ciidan badan ay maxaabiis ahaan u qab-qabatay Ahlu-Sunna, in kastoo aan la heyn tiro ama xaqiiqo rasmi ah.

Ahlu-Sunna ayaa looga taag roonaaday dagaalkii maanta ka dhacay Guriceel, waxaana laga saaray inta badan xarumaha muhiimka ah ee magaalada, balse si rogaal celis ah ayey galabta illaa caawa kula wareegtay dhamaan goobihii horay looga qabsaday.

Khasaaraha ciidamada dowladda ayaa loo daabulay magaalada Dhuusamareeb, balse illaa hadda waxaan la ogeyn halka ay Ahlu-Sunna geysatay dhaawacyadii maanta ilaa caawa ciidankooda ka soo gaaray dagaalka.