XASAN Daahir Aweys: Waa wax lala yaabo inuu Sheekh BASHIIR isku mid ka dhigo mushrikiin iyo Ahlu Towxiid

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xabsi guri ugu jira dowladda Soomaaliya ayaa jawaab kulul usoo diray guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad kaasoo dhawaan sheegay in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ay isku mid yihiin.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in Sheekh Bashiir uu isla meel dhigo Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna oo uu ku kala sheegay inay kala yihin mushrikiin iyo Ahlu Towxiid.

“Waxaan aad ula yaabay hadalkii kasoo yeeray Sheekh Bashiir ee ahaa in Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna isku mid yihiin, runtii waa wax laga xumaado, Al-Shabaab waa dad Ahlu Towxiid ah haba ku qaldanaadaan inay daadiyaan dhiigga muslimiinta, Suufidana waa Mushrikiin cad oo aan wax cudur daar ah laheyn,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Wuxuu sheegay inay jireen hoggaamiyayaal muslimiin ah oo daadiyey dhiigga muslimiinta, kuwaas oo aan lagu tilmaamin inay yihiin mushrikiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Suufida waxay caabudaan qabuuraha, si toos ah ayey ilaahey wax ula wadaajiyeen, xattaa Ta’wiil malahan isku midna maahan iyaga iyo Al-Shabaab oo iyaga macsi bis sameeyey, balse ma jirto cid Al-Shabaab ku tilmaamtay inay mushrikiin yihiin,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Xasan Daahir ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay isku meel wada joogaan oo ay hal hey’ad ka wada tirsan yihiin Sheekh Bashiir iyo Sheekh Soomow, isagoo Soomow ku tilmaamay inuu yahay nin mushrik ah halka uu Sheekh Bashiir ku eedeeyey inuu difaacan la’yahay fikradda uu aamisan yahay, sida uu hadalka u dhigay

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlayey xiisadda ka taagan magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in wadaadada gacanta ku dhigay magaaladaas ee Ahlu-Sunna ay la mid yihiin Al-Shabaab, taas oo caro badan ku abuurtay culumada dariiqada Suufiyada ee Ahlu-Sunna oo aad ula dagaalama fikirka Al-Shabaab.

“In qof sheeganaya hoggaanka culumada Soomaaliyeed uu ka soo yeero war ah in Ahlu-Sunna iyo Khawaarijta dadkeena dhameysay ay isku mid yihiin, waa arrin yaab leh oo lala fajaco, waxaan leenahay Sheekh Bashiir warkaas waa mid kugu kooban kaligaa,” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Sidoo kale Afhayeenka hey’adda culumada Soomaaliyeed Sheekh Soomow ayaa sheegay in guddoomiyahooda Sheekh Bashiir uu heysto fursad uu ku sixi karo qaladkii ka dhacay, isagoo ka dalbaday in raali gelin deg deg ah uu ka bixiyo.

“Sheekh Bashiir hadalkaas adigana kuuma qalmo, cid kalena kuma meteshid, waxaad ka mid tahay hoggaanka culumada Soomaaliyeed, waxaad kaalin weyn ka qaadan kartaa in dadka la kala celiyo, laakiin hadii adigu aad xukun rido, ninka Sheekha ah kalaankii afkiisa ka soo baxa Fatwo waaye,” ayuu yiri Soomow.