Erdogan oo amray in Turkey laga eryo safiirada 10 dal oo reer galbeed ah + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta amray wasiirka arrimaha dibedda inuu dalka ka eryo safiirada 10 dal kadib markii ay soo saareen bayaan ku baaqaya in lasii daayo Osman Kavala.

Osman Kavala, oo ah ganacsade Turkish ah oo ku dhashay Paris ayaa xabsi ku jiray tan iyo 2017, ayada oo loo haysto inuu ku lug lahaa dibad-baxyadii 2013 ka dhacay Gezi Park ee rabshadaha dhaliyey iyo inuu ku lug lahaa afgambigii fashilmay ee 2016.

Kavala oo 64 jir ah waa uu beeniyey eedeymaha, wuxuuna sheegaa inay yihiin kuwa siyaasadeysan.

“Waxaan amray wasiirkeena arrimaha dibedda inuu ku dhowaaqo in 10-ka safiir ay yihiin kuwa aan dalka laga rabin (persona non grata), sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Erdoğan oo adeegsanaya ereyga diblomaasiyadeed oo ah tallaabada ugu horeysa kahor ceyrinta.

“Waa inay ogaadaan oo ay fahmaan Turkey,” ayuu yiri Erdoğan oo safiirada ku eedeeyey “dhaqan-xumo.”

 “Waa inay halkan ka tagaan maalinkii ay ay garan waayaan Turkey,” ayuu ku yiri safiirada.

War-saxaafadeed ay soo saareen Isniinti ayey safiirada dalalka Canada, Denmark, Finland, France, Germany, Netherlands, New Zealand, Norway, Sweden iyo Mareykanka waxay ku baaqeen “xal caddaalad oo deg deg ah oo laga gaaro kiiska Kavala.”

“Dib u dhaca sii socda ee maxkamadeyntiisa…waxay mugdi gelienysaa ixtiraamka demoraadiyadda, sarreynta sharciga iyo hufnaanta nidaamka garsoorka Turkey,” ayey yiraahdeen.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey ayaa Talaadadii u yeertay safiirada 10-kan dal, ayada oo ku eedeysay inay faro-geliyeen hanaanka garsoorka Turkey.

Diblomaasiyiinta waxaa lagu wargeliyey in war-saxaafadeedkooda “uu ka tallaabsaday xuduudaha iskuna dayey inuu siyaasadeeyo hanaan sharci, islamarkaana cadaadiyo garsoorka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

“Waxaa lagu wargeliyey inay diirad saarista kiisas la xiriira maxkamadaha Turkey, gaar ahaan Kavala ay tahay mid aan daacad aheyn oo laba wejiilenimo ah.”

Tobanka safiir ayaa ugu baaqay Turkey inay raacdo xukunka Golaha Yurub, oo ah urur xuquuqda aadanaha qaabilsan oo ay ku biirtay 1950.

Golaha Yurub ayaa ka digay inay billaabi doonaan dacwad edbin oo ka dhan ah Turkey “haddii aan Kavala lasii deynin kahor” kulanka golaha ee November 30 illaa December 2.

Maxkamadda ayaa mar kale kiiska Kavala dhageysan doonta 26-ka November.