Ahlu-Sunna oo dib u soo celisay ciidamo uu dalbaday ra’iisul wasaaraha Somalia

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in saaka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay dib u soo celisay diyaarad siday Ciidan, taas oo ku wajahneyd magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Diyaaradda ayaa la sheegay inay la socdeen illaa 100 Askari oo uu dalbaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa tegay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur, wuxuuna ka biyo diiday inay gabi ahaanba degto diyaaraddaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradda marka ay soo gashay hawada Dhuusamareeb lagu war geliyey in aysan soo caga dhigan karin garoonka, haddii ay ka dhega adeegtana amarkaasi la soo ridi doono.

Ugu dambeyn diyaaraddaasi ayaa ku soo noqotay magaalada Muqdisho, iyadoona ciidamadii saarnaa dib loogu soo celiyey saldhigyadii laga qaaday.

Waa diyaaraddii labaad oo wada askar oo dib loo soo celinayo, iyadoona shalay ciidamo ku socday Dhuusamareeb laga soo celiyey gudaha magaaladaasi.

Dhanka kale Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa lagu soo warramayaa inay ka biyo diidan tahay inay si buuxda amniga Dhuusamareeb ugu wareejiso dowladda Soomaaliya.

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa dalbaday inay qeyb ka sii ahaadaan sugida nabad galyada magaaladaasi, taas oo uu ka hor yimid Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay dowladda iyo Galmudug, gaar ahaan garabka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa loo la’yahay xal, iyadoo uu weli muran ka taagan yahay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com