Xog: R/W Kheyre oo diiday musharaxnimada C/llaahi Faarax ee GAL-MUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa albaabada kasoo xirtay mid ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada oo doonayay inuu u tartamo xilka madaxweynaha Galmudug.

Cabdulahi Faarax Weheliye oo ah Wasiiru-dowlaha arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay muujinayay inuu xiiseynaayo xilka madaxtinimada Galmudug.

Wasiiru-dowlaha oo markii hore iibinayay qadiyad ah inuu yahay musharaxa Villa Soomaaliya ee doorashada Galmudug ayaa asbuucan xanaaq uga soo tagay magaaladda Dhuusamareeb kadib markii uu Ra’iisul wasaaruhu ku yiri “Isma sharixi kartid” sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Cabdulaahi Faarax Weheliye ayaa la sheegay inuu ku adkeystay mowqifkiisa musharaxnimada, taas oo keentay iney isaga iyo Kheyre buuq kusoo kala tagaan. Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ayaa isaguna qaba fikirka la mid ah midka Ra’iisul wasaaraha, waxaana uu Cabdulaahi Faarax kula taliyay inuusan iska lumin fursadiisa xubinimada xukuumada Federaalka ah.

Kooxda Ahlu Sunna ayaa la sheegaya iney Cabdulaahi Faarax Weheliye u arkaan musharaxooda labaad hadii laga diido inuu tartamo Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa jira heshiis weli la isku fahmi la’a yahay oo ah iney Ahlu Sunna 35 xildhibaan ku yeelato Baarlamaanka cusub ee Galmudug, balse qabaa’ilka ayaa si weyn u diidan arrintaan. Hadii taas la meel mariyo oo ay beeluhu aqbalaan heshiiska 35ta xildhibaan, musharax Ahlu Sunna wadato rajo ayuu lee yahay waana mida dhiiri galineysa Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha.

Sababta uu Kheyre u diiday musharaxnimada Cabdulaahi Faarax ayaa lagu micneeyay labo arrimood oo kala ah inuu Ra’iisul wasaaruhu doonaayo in madaxweynaha cusub ee Galmudug ka yimaado beesha reer Xaaji Saleebaan iyo mida labaad oo ah Cabdulaahi Faarax oo ah nin dhalinyaro ah oo siyaasada ku cusub ayna adagtahay inuu mareeyo maamul miisaankaas leh.

Cabdulaahi Faarax Weheliye oo kasoo jeeda beesha Duduble ayaa siyaasadda ka bilaabay Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha 2 sanno ka hor, waxaana dad badan ay u arkaan siyaasi dhowaan gal ah oo aan maareyn karin mushkiladaha is diidan ee Gal-Mudug, sidoo kale gadoodka beelaha Sacad iyo Saleebaan ayaa ka dhigaya musharax aan marnaba maangal aheyn.

Halkaan ka daawo Qodobka ay isku hayaan Ahlu Sunna iyo Kheyre & xog cusub oo laga helay Qaraxii G/Banaadir

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
caasimada@live.com