Kulamadii u dhaxeeyey R/W Xasan Cali KHEYRE iyo Ahlu-Sunna oo fashilmay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in is faham-waa uu ku soo dhamaaday kulamo saacadihii u dambeeyay u socday Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hoggaanka Ahlu-Sunna.

Kulamadan oo socday tan iyo xalay ayaa waxyaabaha la isku khilaafay ka mid ahaa Mas’uuliyadda Amniga magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dowladda Federaalka dooneyso in Ciidamo gaar ah lagu wareejiyo, halka Ahlusuna ay diidan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Ahlusuna ay diidan yihiin in saameyntooda ay meesha ka baxdo, haddii Ciidamo ka madax bannaan iyaga la wareegaan magaalada.

Labo diyaaradood oo Ciidamo looga daabulay Muqdisho ayaa shalay iyo saaka laga soo celiyay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Heshiis hoose oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Hoggaanka Ahlusuna horay u gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa in amniga magaalada la wareegto dowladda Federaalka, ciidanka Ahlusuna la qarameeyo, lana xareeyo, tababarna loo furo, inkastoo lagu guuleystay diiwaan gelinta ciidamada.

Caqabadaha iyo culeysyada soo wajahay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo muddo bil iyo maalmo ku sugan deegaanada Galmudug waxay keeni kartaa inay degdeg uga soo baxaan magaalada Dhuusamareeb, haddii aan xal laga gaarin khilaafka soo cusboonaaday ee la xiriira mas’uuliyada Amniga Magaala madaxda Galmudug.

Halkaan ka daawo Qodobka ay isku hayaan Ahlu Sunna iyo Kheyre & xog cusub oo laga helay Qaraxii G/Banaadir

Caasimada Online
Xafiiska-Dhuusamareeb
caasimada@live.com