Ahlu Sunna oo dib ugu soo xoogeystay gobollada dhexe

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xoogaga Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo dib u soo xoogeysanaya. Xoogagan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay isu uruursanayay deegaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud. Bohol waxay dhanka waqooyi kaga beegan tahay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Xoogaga Ahlu-Sunna ayaa bilaabay inay deegaankan isu uruursadaan, ka dib dagaalkii qaraaraa ee bishii October ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug kula galeen Magaalada Guriceel.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo saldhigtay deegaankaasi ayaa waxay keentay in xoogaga u daacadda ah ay isaga kala yimaadaan deegaanada Gobolada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in maalinba maalinta ka dambeysa ay soo badanayaan Xerta Ahlu-Sunna ee hubka qaadaneysa, kuna biiraya dagaal-yahanada u daacadda ah Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ee ku sugan Bohol.

Sidoo kale Ciidamadii Ahlu-Sunna ee Gobolada Dhexe ee Dowladda Federaalka qarameysay bishii July ee sanadkii 2019 ayaa qaarkood dib ula midoobay Ahlu-Sunna.

Maamulka Galmudug oo malaha taasi daboolaya ayaa horaan sheegay in xoogaga ku sugan Bohol ay bilaabeen inay isu soo dhiibaan maamulka.

25-kii bishii hore ee March weerar u muuqday mid la soo qorsheeyay ayay Xoogaga Ahlu-Sunna ku qaadeen gaadiid ay la socdeen Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Galmudug, oo markaasi damacsanaa inay soo kaxeeyeen xubno ka tirsan Xoogaga Bohol ku sugan, oo Madaxtooyada Galmudug la soo xiriiray, una sheegay inay doonayaan in ay isa soo dhiibaan.

Weerarka oo ka dhacay inta u dhaxeyso Bohol iyo Dhuusamareeb ayaa lagu dilay afar askari oo ka mid ahaa Ilaalada Madaxtooyada, halka sagaal kalena lagu dhaawacay.

Ahlu-Sunna oo dhowr iyo toban sano ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayay hoggaankeeda isaga huleeleen daba-yaaqadii bishii February ee sanadkii 2020, waxayse dib ugu soo laabteen bartamihii bishii September ee sanadkii hore (2021), iyadoona xoogagooda ay 1-dii bishii October ee sanadkaasi la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel, inkastoo dagaal uu wada hadal ka dambeeyay ay dib uga soo baxeen magaaladaaasi.

Ma cadda waxa keenay dib u soo rogaalcelinta Ahlu-Sunna ee Gobolada Dhexe, ha yeeshee hoggaankoodu waxay sheegeen inuu ujeedkoodu yahay in ay deegaanka ka xoreeyaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo xaalad amni ka abuuray Galmudug.