Daawo: Wasiir Al-Cadaala oo ka hadlay cabsida laga qabo qorshaha 12-ka April

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Caddaala oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal ayaa markii u horeysay meesha ka saaray wel-welka laga qabo maalinta 12-ka April inay dhici karaan dagaal ama in la bartilmaameedsado Ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble iyo xafiiskiisana ay ka qeyb qaadan doonaan maalintaasi qiimaha leh ee ciidanka Soomaaliyeed, hase yeeshe waxa uu qiray in weli ay jirto qatar amni oo dul hoganeysa ra’iisul wasaaraha.

“Meesha kama saareyno in weli damacyada qalafsan oo markii hore keenay wixii ka dhacay billo ka hor xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxyaabahaas inay suurtagal yihiin oo dadka qaar maskaxdooda ka fikireyso meesha kama saareyno laakiin waxaa kalsooni ku qabna in ciidanka qaranka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed aysan midna ka suurta-gali doonin,” ayuu yiri.

“Runtii gacantii shalay ku fikirtay inay soo weerarto Ra’iisul wasaaraha oo ciidanka qalabka sida u isticmaasho danaheeda inta gacantaas ay awood uleedahay inay waxaas sameyso meesha lagama saari karo inay khatar jirto.”

Al-Cadaala ayaa sidoo kale sheegay in amniga ra’iisul wasaaraha uu sidii horay u sugnaa uu hadda u sugan yahay, ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM ay iska kaashadaan, wuxuuna meesha ka saaray cabsi ka dhalatay digniintii NISA ay dhawaan soo saartay.

Dhinaca kale, Wasiirka oo wax laga weydiiyay khilaafka kuraasta Gedo ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha rajadiisa tahay in dadka Gedo iyo kuraastooda ay la mid noqon doonto kuraasta kale, islamarkaana aanay ka harin talada dadka Soomaaliyeed iyo masiirkooda meesha lagu gaarayo.

Waxa uu intaas raaciyay in Rooble uu weli wado wada-hadalo ku saabsan halka lagu qaban doono goobta lagu qabanayo doorashada 16-ka kursi, xalintoodiina uu hoggaaaminaayo ra’iisul wasaaraha iyo cid kasta oo ay quseyso.

Hoos ka daawo wareysiga Al-Cadaala oo dhameystiran