Xog: Wasaradda maaliyadda oo dacwad ka gudbisay Wasiirka Boostada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaada maaliyada ayaa u gudbisay Madaxweynaha qaranka dacwad ka dhan ah wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Eng. Cabdi Sheekh Axmed, taasi oo la xiriirta inuu soo celiyo lacag dhan $134,500 oo ka dheeri ah sahay safar oo uu ka qaatay wasaarada maaliyada sanadkii la soo dhaafay.

Ilo ku dhow Wasaarada maaliyada ayaa sheegay in xisaabxirka sanadka 2021ka lagu ogaaday in wadarta guud ee uu wasiirka boostada uu qaatay sanadkii 2021 ay dhameyd $269,000, taasoo uu ka kala qaatay miisaaniyada wasaarada boostada ee sahay safar iyo mashruuca scaleup ee bangiga aduunka.

Wasiirka ayaa lacagaha qaatay isagoo isticmaalaya isla docoumentska safarka sida boarding pass iyo tikidhada, taasoo markii dib loo baaray la ogaaday inay isleeyihiin, oo safar walba uu 2 mar lacagtiisa qaatay, waana dhaqan ka baxsan midka dowlada maadaama halkii safarba laga bixin karo hal qasnad oo kaliya. Balse wasiirka ayaa labada qasnad ka kala qaatay si ay u badato lacagaha ku soo dhacaya jeebkiisa.

Wasaarada maaliyada iyo mashruuca scaleup ee Bankiga aduunka oo iska ay maamusho isla wasaarada ayaa cabasho ka muujiyay in dalabka wasiirka ee sahay safar uu aad u badan yahay, maadaama bishiiba uu soo dalbado ugu yaraan 2 safar oo isugu jira kuwa fogfog iyo kuwa Afrika ah. Wasaarada maaliyada ayaa la yaaban safarada uu soo dalbanayo wasiirka in mararka qaarkood aysan u qalminin Metelaad heer wasiir ah, taas oo keentay in ay aad u badato gunnada safar ee Wasiirka.

Safarada Badan ee Wasiirka ayaa waxaay sababtay in ay dayacanto shaqadii wasaaradda oo noqotay goob cidlo ah oo aan loo shaqo tagan, wasiirkana uusan wasaarada imaanin muddo 1 sano ku dhow. Agaasime waaxeedyada wasaarada ayaa waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen Wasiirka in uu isku koobay shaqadii Wasaaradda ay u ekaatay goob laga niyad jabay oo aan qofna imaanin.

Maqnaashaha badan ee Wasiirka ayaa waxa ay ujeedadiisu noqotay dhaqaale aruursi iyo badsasho gunnada safarka oo laga helo Wasaaradda Maaliyadda iyo Mashruuca scale-Up ee uu Maalgeliyo Baanka Adduunka. Xariirka Wasiirka iyo Madaxa Mashruuca Isabelle Haward ayaa waxa ay keentay in loo qoondeeyo kaliya safaradda Wasiirka lacag ka badan hal milyan oo doolar oo ka mid ah mashruuca.

Si aan u xaqiijino in wasaarada aysan shaqo ka soconin waxaan u kuurgalnay baraha bulshada ee wasaarada, waxaana noo soo baxday in waxa kaliya ee ka muuqdo ay yihiin safarada wasiirka oo xitaa aadaya shirarka u gaar ah dalal kale oo aan xiriir la lahayn Somalia.

Wasiirka ayaa miisaayadii wasaarada u adeegsnaya sahay safar oo kaliya xili wasaarada aysan awoodin inay iska bixiso korontada bisha, taasoo sababtay in wasaarada dhowr jeer laga jarto korontada, sida ay noo xaqiijiyeen agaasime waaxeeyadii aan la hadalnay oo naga codsaday inaan magacooda qarino.

Lama hubo in wasiirku soo celin doono lacagaha ku maqan ka hor intaysan dhicin doorashada madaxweynaha iyo in kale.