MUUSE BIIXI oo shaaciyey wixii dhex-maray isaga iyo Rooble iyo Farmaajo (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdiayaa si aan horay looga baran ugu fal celiyay kaalinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho ugu qeyb qaateen dadaalka gurmadka loo fidinayay dadkii dhibaatada kasoo gaartay gubashadii suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa si kal iyo laab leh ugu mahad celiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay inuu soo wacay una muujiyay dareen walaalnimo, islamarkaana uu Rooble balan qaaday inuu si deg deg ah Hargeysa ugu diri doono dhaqaalaha bankiga adduunka uu ku tabarucay Somaliland, balse sanado ay ku xayirnaa bankiga dhexe ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale uu Muuse Biixi intaa raaciyay in xukuumada Soomaaliya ay ku tabarucday hal milyan dollar.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale u mahad celiyay madaxweyne Farmaajo iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee muujiyay dareenka walaalnimo, taasoo uu sheegay in ay ku timid wada dhalashada iyo Soomaalinimada marka ay dhibaato dhacdo, wuxuuna guud ahaan Shanta Soomaaliyeed ugu baaqay inay sidaasi si la mid ah isu gurmadaan maadaama la wada dhashay.

“Madaxweyne Farmaajo wuu isoo wacay wuuna ii tacsiyadeeyay, anigane waan ugu mahad noqoy, ra’iisul wasaare Rooble isagana waa ii tacsiyadeeyay, waana ugu mahad noqoy, ra’iisul wasaaraha wuxuu isaga ku daray, waxaan haynaa lacag leydiin soo diray oo baanka adduunka beri hore soo diray oo sababay arrimihii inaga dhaxeeyay halkaan yaalaan, lacagtaas waxaan ku dadaalayaa inaan soo diro, waxaan ku iri, waxaad kusoo dirtaa deg deg waa tan ugu horeyso aan wax kaga qabaneyno suuqa gubtay, ninka diidan iyo kan murmaayo, gebigeed waxaanu gelineynaa suuqaas gubtay, wuxuu iigu daray annaga dowlad ahaan waxaan ku dareynaa hal milyan waa ku mahadsan yihiin,” ayuu yiri Muuse Biixi.

“Waxaan aad ugu mahad noqoyaa ganacsatada Muqdisho ee deg dega u shiray ee muujiyayna dareenka, aad ayaan ugu mahad celinayaa Soomaali weyn meel walbo oo ay joogaan, Kismaayo ha joogaan, Jigjiga ha joogaan ama Jabuuti ha joogo ama Diradhabe ama Boosaaso aad iyo aad ayaan ugu mahad noqoyaa, waan idinka guddoomay dareenka walaalnimo ee aad muujiseen iyo gurmadkaad gasheen, waana tan la isku lahaa, mar walbaa la isku gurmanayaa” ayuu yiri Muuse Biixi oo qiireysan.

Wxuu kaloo u mahad celiyay afar shirkad milkiilayaashooda kuwaasoo kala ah Dahabshiil, Telsom, Maxamed Ow-saciid, Oomaar iyo labo shirkadood oo kusoo biiray, isagoo ku booriyay ganacsatada kale ee Somaliland inay doorkooda qaataan xili walbo dhibaato dhacdo.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ayaa xubin ka noqotay guddi heer wasiir oo dowladda Jabuuti ay qaban qaabisay, si gurmad loogu fidiyo suuqa gubtay Weehaan ee Hargeysa, hase ahaatee Somaliland ayaa codsaday in la dhowro madax-bannaanideeda iyo qadiyadeeda gooni u goosadka.