Muqdisho (Caasimada Online) – Shiikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxweynaha Dowlada Gobolada Dhexe ee Ahlu Suna ayaa markii ugu horreysay ka hadlay golaha wasiirada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqo doono iyo sida ay Ahlu Sunna u aragto.
Madaxweynaha Ahlu Sunna ayaa ka hadlay waxyaabaha loo baahan yahay in laga dhex arko golaha wasiirada cusub wuxuuna soo jeediyey fikir ku aadan arrintaas.
Sh. Shaakir ayaa ka dhawaajiyey in xukuumadda cusub laga doonayo inay qabato howlo badan oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto wuxuuna ku taliyey in lasoo magacaabo shaqsiyaad waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed.
Shiikh ayaa ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya in meesha laga saaro nin jecleysi, wuxuuna kula taliyey in shaqsiyaadka xilka loo dhiibayo lagu doorto aqoontooda iyo kartida ay u lahaan karaan inay maamulaan shacabka Soomaaliyeed.
Ahlu Sunna oo la ogaa inay si weyn uga hor timaaday siyaasadii Xasan Shiikh Maxamuud iyo dowladdiisa ayaa wuxuu hadalkaan muujinayaan inay si weyn u taagersan yihiin xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’isulwasaaraha ayaa ku dheeraaday la tashiyada uu la sameenayo beelaha Soomaaliyeed si uu usoo magacaabo wasiiro la imaado waxtar iyo isbadal rasmi ah oo ku dhaco siyaasadda Soomaaliya iyo maamulkeeda.
Hadalka Ahlu Sunna ayaa imaanayo Xilli la filayo inuu Ra’isulwasaaraha dhawan ku dhawaaqo golihiisa wasiirada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]