Deg deg: Maxaa soo kordhay oo keenay inuu RW Kheyre saxaafadda ugu yeero Xafiiskiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ay caasimadda hadda ka heleyso xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sheegayo in halkaas looga yeeray saxaafadda kala duwan ee Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu saxaafadda kula hadlo xafiiskiisa isla markaasna uu shir jaraa’id qabto, waxayna arrintaan imaaneysaa xilli saacdihii ugu dambeeyey laga filayey inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxayo sababta uu Ra’isulwasaaraha ugu yeeray saxaafadda waxayna warar qaar sheegayaan inuu ka hadli doono waxyaabo kasoo kordha arrimaha abaaraha isla markaasna uu halkaas kulan kula leeyahay guddi ka socdo ganacsatada Soomaaliya.

Warar kale oo aan la hubin ayaa sheegayo inay macquul tahay inuu Ra’isulwasaaraha ku dhawaaqo golihiisa wasiirada cusub, balse midda ugu dhaw  xaqiiqda ayaa ah inuu ka hadli doono arirmaha abaaraha.

Mr Kheyre ayaa wajahaya caqabado kala duwan oo ay ugu weyn tahay qaabka Xukuumaddiisa ula tacaali doonto xaaladaha bani’aadanimo ee dalka ka jira, iyadoo horay uu uga soo shaqeeyay arrimaha bani’aadanimada.

Dhinaca kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa xaqiijiyay in wali socoto wada tashiyadii Ra’iisul Wasaaraha waday ee ku aadan howlaha magacaabista Golaha Wasiirada, waxaana la filayaa in todobaadka soo socda lagu dhawaaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com