29.2 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Sidee DF u wajahaysa tallaabada cusub ee Israel u qaaday Somaliland kadib aqoonsiga?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa tallaabooyinka Israa’iil u qaadayso dhanka Somaliland ku tilmaamay xadgudub khatar ah oo ka dhan ah axdiyada caalamiga ah iyo midnimada dalka.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay telefishinka Al Jazeera ayaa xaqiijiyay in dowladda aysan u tanaasuli doonin ilaalinta badqabka dhulkeeda, iyadoo adeegsanaysa cadaadis dublamaasiyadeed iyo taageerada ballaaran ee caalamiga ah ee ay u heshay qadiyadda Soomaaliya.

“Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay calaamad cusub oo muujinaysa xadgudubyada ay Israa’iil ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda,” ayuu yiri wasiirka, wuxuuna intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay hal dal oo aan dhulkeeda la taaban karin.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in tallaabada Israa’iil loo arko xadgudub cusub oo ay ku sameysay madax-bannaanida Soomaaliya, taas oo si qayaxan ay u diiddan tahay dowladda Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay tallaabooyinka ay dowladda qaadi doonto si ay uga jawaabto go’aankan, wuxuu yiri, “Waxaan ku caddeynay bayaan naga soo baxay saddex maalmood ka hor in ficil kasta oo ku xadgudbaya madaxbannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhulkeeda aysan aqbali karin dowladda Soomaaliya.”

Waxa uu intaas sii raaciyay, “Waxaan sidoo kale xaqiijinnay in mudnaanta koowaad ee dowladda ay tahay in arrintan lagula tacaalo marinno dublamaasiyadeed, taas oo dhab ahaantii bilaabatay 26-kii December, markaas oo ahayd taariikhdii ay Israa’iil aqoonsatay Somaliland.”

Wasiirka ayaa muujiyay sida ay dowladda weli ugu kalsoon tahay waddooyinka dublamaasiyadeed, isagoo sheegay in taageero ballaaran laga helay Qaramada Midoobay, dalal badan oo Islaam ah, Midowga Afrika iyo hay’ado kale oo caalami ah.

“Weli waxaan ku kalsoonnahay marinnada dublamaasiyadeed si aan u hubinno in arrintani aysan sii socon. Waxaan horeyba taageero wanaagsan uga helnay daafaha dunida, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, tiro dalal Islaam ah, Ururka Midowga Afrika iyo ururro kale oo caalami ah, kuwaas oo tallaabadan u arka xadgudub ka dhan ah midnimada dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys Jaamac.

Israel ayaa 15-kii bishan shaacisay inay magacowday safiirkeedii ugu horreeyay ee ay u soo dirto Somaliland, oo dabayaaqadii sanadkii hore ay sheegtay inay aqoonsatay. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku xaqiijisay in Michael Lotem loo magacaabay danjire aan fadhigiisu aheyn Hargeysa ee u qaabilsan Somaliland (non-resident ambassador).

Lotem ayaa hadda ahaa safiirka arrimaha dhaqaalaha ee qaaradda Afrika ee aan fadhigiisu ahayn qaaradda. Wuxuu hore u soo noqday safiirka Israa’iil ee dalalka Kenya, Asarbayjaan iyo Kasakhistaan.

Somaliland oo aan haysan aqoonsi rasmi ah tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-kii, ayaa u dhaqanta sidii maamul dhab ahaan u madax-bannaan oo leh nidaam maamul, mid siyaasadeed iyo mid amni.

Inkastoo dowladda dhexe ee Soomaaliya aysan awood u lahayn inay si buuxda u maamusho gobolkaas, haddana arrimaheeda waxaa wax laga weydiiya Muqdisho, iyadoo hoggaanka Somaliland-na ay ilaa iyo hadda ku guuldareysteen inay helaan aqoonsi caalami ah oo buuxa.

Si kastaba, xukuumadda Soomaaliya ayaa gabi ahaanba diiddan inay Somaliland u aqoonsato dowlad madax-bannaan, waxayna u aragtaa qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhulweynaha Jamhuuriyadda.

- Advertisement -

Read more

Local News