29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Mucaaradka oo dowladda Xasan Sheekh ka dalbaday inay degdeg u sii dayso…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si kulul uga hadlay xarigga iyo xaaladda Sacdiyo Macallin Cali, isagoo dowladda ka dalbaday inay degdeg usii dayso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in habka loola dhaqmay Sacdiyo uu dhaawac weyn ku yahay sumcadda dowladnimada iyo hay’adaha sharciga, isaga oo xusay in aanay jirin wax sharci ah oo loo maray xariggeeda, isla markaana aysan jirin dacwad cad oo loo haysto.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale dhaliilay hoggaanka dalka, isagoo ku eedeeyay inay muujinayaan tabar-darro siyaasadeed iyo dulqaad la’aan marka ay timaado aragtiyada ka duwan kuwa dowladda, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay dimuqraadiyadda iyo xorriyadda hadalka.

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in si degdeg ah xorriyaddeeda loo siiyo Sacdiyo Macallin, isla markaana la dhowro xuquuqda muwaadiniinta, isagoo uga digay bulshada inay ka aamusto waxa uu ku tilmaamay gaboodfallo soo noqnoqday.

Mucaaradka ayaa horey si adag ugu cambaareeyay xarigga Sacdiyo, waxayna haatan dalbanayaan in si degdeg ah loo sii daayo, iyagoo xariggeeda ku tilmaamay mid ka tarjumeysa xadgudub ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa sidan:

Codka Sacdiyo Macallin oo iyadoo ilmaynaysa maanta laga wada maqlay Raadiyaha Shabeelle waa ceeb qaran, waa fadeexad ku tiran taliska Madaxweyne Xasan Sheekh, waa sumcaddarro ku dhacday dawladnimada iyo laamaha sharciga.

Waa gabar si awoodsheegasho ah loo afduubtay. Amar maxkmadeed laguma xirin, eed dacwadeedna looma haysto. Waxa keli ah ee lagu beegsaday waa in ay ka hadashay musuqmaasuqa iyo eexda hay’adaha dawladda.

Madaxweyne Xasanow in aad xammili kari waydo codka hal gabar keli ah, waxay caddaynaysaa nugaylka iyo tamar darrida taliskaaga.

Sacadiyo waxay la xuquuq tahay ubadkaaga ka shaqeeya Madaxtooyada dalka. Xuquuqdu ma aha mid lagu saleeyey waalidnimo, iyo ehelnimo waa se mid ku xiran sharci iyo xaqsoor loo siman yahay.

Waxaan cod dheer ugu baaqayaa in si degdeg ah Sacdiyo loo sii daayo, oo xuquuqdeeda loo soo celiyo. Waa gabar si xaq ah duruufta bulshada haysata uga hadashay, mana mudna in la xiro, la bahdilo, lagana ilmaysiiyo.

Dulmiga oo la eegtaa wuxuu la mid yahay kaqaybgal. Gaboodfalka oo dhexdhexaad laga ahaadana kama danbi yara ku lug lahaansho. Waa in aan si wadajir ah uga hortagnaa taliska waqtigiisa dhammaadka yahay ee barakicinta, boobka iyo gaboodfalka xuquuqda muwaadinka caadaystay.

- Advertisement -

Read more

Local News